Taalibaan iyo Pakistan oo ku heshiiyey xabad joojin

0
119

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Pakistan iyo xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ayaa ku heshiiyey “xabad joojin degdeg ah” ka dib in ka badan toddobaad oo ay socdeen dagaallo lagu hoobtay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, oo dhexdhexaadinaysay wada-hadallada, ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la sameeyo “hababka lagu xoojinayo nabad iyo xasillooni waarta”.

Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka Taliban, ayaa sheegay in joojinta “ficilka cadawtinimada” ay tahay “muhiim”, halka wasiirka arrimaha dibadda Pakistan uu ku tilmaamay heshiiska “tallaabada koowaad ee jihada saxda ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here