Tababar ku saabsan barashada Soolarka ku shaqeeya cadceedda oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb

0
146

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha,dhirta iyo daaqa maamulka Galmudug oo kaashaneysa Hay’ada Save the children ayaa magaaladda Dhuusamareeb kusoo xirtay tababar ay ka faa’iidaysteen in ka badan 80 xubnood oo iskugu jira Haween iyo Dhallinyaro loo tababaray xirfadda soolarka ku shaqeeya tamarta qorraxda.

Munaasabada lagu soo xiray Tababarkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug, Xubno ka socday Hey’adda Save the Children,Macallimiin , Haween iyo Dhallinyaro.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here