Tababar ku saabsan horumarinta hannaanka Tafaftirka oo laga daah furay Muqdisho.

0
75

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada Muqdisho ka daah furay tababar ku saabsan horumarinta hannaanka Tafatirka Wararka, waxana tababarkan loo qabtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta.

Tababarka oo socon doono mudo saddex maalmood ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qaybgalay madax kasocotay maamulka Goboleedyada , madaxda warbaahinada , iyo wariyaasha loo qabtay Tababarka.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.