Tababar ku saabsan ka hortaga HIV Aids oo lagu qabtay Muqdisho.

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Muqdisho ayaa loogu qabtay qaar ka mid ah ardeyda Jaamacadda Ummadda soomaaliyeed tababar kusaabsan sida looga hortago cudurka HIV Aidska iyo daryeelka dadka uu haleelo cudurka .

 

Tababarkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey daladda dadka lanool HIV ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ka qeyb galay furtaankiisa mas’uuliyiin katirsan Jaamacadda Ummadda madax katirsan wasaarada caafimaadka somaliya iyo gudoomiyaha gudiga kahortaga xanuunka HIVka soomaaliya Dr Axmed Maxamed Jimcaalle.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi