Tababar ku saabsan kalsooni dhisida maamulka iyo bulshada oo lagu qabtay degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe.

0
158

Baladweyne ( Radio Beerlula )Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle iyo maamulka gobolka shabeellaha dhexe ayaa magaalada Aadan Yabaal ka daah furay tababar ku saabsan isku xirka bulshada iyo hay’addaha dowladda kaasoo ay ka qeyb galayan qeybahah kala duwan ee bulshada.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle, odayaal dhaqameed iyo maamulka degmada Aadan Yabaal.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.