Tababar ku saabsan kobcinta dhaqaalaha iyo fahmka macluumaadka tiknolojiyadda oo ka furmay magaalada dhuusamareeb.

0
212

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa mashruuca dowladaha hoose ee JPLG ayaa magaalada dhuusamareeb tababar uga furtay xubno ka tirsan howladeennada waaxda qaadista canshuuraha dowlada hoose ee dhuusamareeb.

Tababarkan oo socon doonaa muddo shan maalmood ah ayaa howlwadeennada lagu bari doonaa fahamka macluumaadka tignoolajiyadda , kobicinta dhaqaalaha, iyo daryeelka macmiilka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey