Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa daahfuray Tababar Aqoon kororsi oo sare loogu qaadaayo Aqoonta iyo Xirfada qaar ka mid ah howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir.
Howlwadeenada ayaa inta uu tababarka socdo waxa ay qaadan doonaan cashiro la xariira Maamul wanaaga, Anshaxa shaqada, Mas’uuliyadda Howlwadeenka, u qidmeynta Bulshada iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.