Tababar ku saabsan maamulka iyo maaliyadda oo lagu soo gabagabeeyay Kismaayo

0
77

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawlad goboleedka Jubbaland 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗶𝘀𝗮𝗮𝗾 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗛𝗮𝗻𝗱𝗮𝗹, oo uu wehlinayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib uhishiisiinta Jubbaland 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗮𝗵𝗶𝗺 𝗢𝗼𝗴𝗹𝗲, ayaa magaalada Kismaayo ka furay aqoon kororsi ku saabsan hanaanka maamulka iyo maaareynta maaliyadda kaasi oo loo qabtay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo iyo Wakiillada Wasaaradda Maaliyadda ee qaar kamid ah Degmooyinka Gobolkaaasi

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jubbaland, Xisaabiyaha Guud ee Jubbaland, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Buurdhuubo iyo Balad-xaawo, qaar kamid ah wakiillada Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gedo, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland.

Warbixintaan waxaa soojeedinay Cabdiqadir Cumar Ibraahin.