Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe kusoo gabagabeysay tababar ku saabsan Maareynta Saldhigyada Booliska, oo loogu talagalay taliyaasha iyo taliye-ku-xigeennada saldhigyada booliska ee Koonfur Galbeed.
Tababarkan oo socday doona Muddo Saddex Maalin ah ayaa saraakiisha lagu baray casharo la xariiro habka Maareynta Saldhigyada .
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


