Tababar ku saabsan qiimeynta hanaanka waxbarashadda oo lagu soo gaba gabeeyay Boorama

0
71

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa lagu soo gaba gabeeyay tababar ku saabsan qiimeynta hanaanka waxbarashadda gobolka kaasoo loo qabtay maamulayasha iyo macalimiinta 15 iskuul.

Tababarkan ayaa socday shan maalmood, waxana xiritaankiisa ka qeyb galay guddoonka waxbarashadda gobolka Awdal,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socday hay’addaha tabagaliyay tababarkan.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.