Tababar ku saabsan sida loo sameeyo talooyin la xariira Nafaqada oo lagu qabtay Baladweyne

0
186

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Jaamacadda Green Hope faraceeda Baladweyne kaasi oo ku saabsanaa sida loo sameeyo talooyin la xariira Nafaqada si looga hortago nafaqo darada.

Tababarkan oo socday mudo hal maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galay ardeyda wax-ka barata jaamacadda Green Hope iyo qaar kamid ah goobaha waxbarashada ee Baladweyne.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin