Tababar ku saabsan tabinta sheekooyinka wanaagsan iyo tiiranyo bixinta oo Wariyaal loogu soo gaba gabeeyay Baladweyne.

0
70

Baladweyne (Radio Beerlula)-In ka badan 30 wariye oo ka kala socda degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa tababar ku saabsan hab tabinta sheekooyinka wanaagsan iyo tiiraanyo bixinta loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Baladweyne.

Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale lagu lafa guray sida doorka wariyaha uu ka qaadan karo sameynta sheekooyin dhaxal gal ah, si meesha looga saaro wararka dhiilada ee Inta badan bulshada loo soo gudbiyo kuwaasoo sameyn kala duwan ku reeba bulshada Soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.