Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ugu qabatay Tababar Bahda Garsoorka, Asluubta iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee Bulshada Tababar ku saabsan Xal-uhelida Arimaha Cadaalada.
waxa ka qeyb galay furitaanka tababarka agaasimaha wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Jubbaland Cabdulaahi Cabduqaadir Aadan (Qaanuuni) qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo laamaha cadaalada maamulka Jubaland.
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdullahi.


