Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ( Karoore) ayaa magaalada Baladweyne tababar ugu soo gaba gabeeyay qaar ka mid ah odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo muddo laba maalmood ah la barayay xalinta khilaafadka.
Xiritaanka tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayasha loo soo xiray tababarka.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq