Tababar ku saabsan xaquuqda caruurta iyo Warbaahinta oo wariyaal looga daahfuray Muqdisho

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS iyo hay’adda World vision ayaa si wadajir ah magaalada muqdisho ugu qabtay tababarkan oo ku saabsanaa Warbaahinta casriga iyo Xuquuqda Carruurta kaasi oo loogu tala galay ineey ka faa-ideystaan 30-wariye oo ka kala socday Warbaahinta Dowladda iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Waxa ka qeyb galay furitaanka tababarka mas’uuliyiin katirsan wasaarada Haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha XFS , Ururka Isu-tagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Fessoj iyo mas’uuliyiin katirsan hay’adda World vision.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.