Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Inshaanka Dowalad gobaleedka Jubbaland ayaa tababar socoday muddo saddax biloood ah ugu soo gaba-gabeysay xarunta Horumarinta haweenka Jubbaland ee magaalada Kismaayo qaar ka mid ah haweenka degmada Kismaayo oo la barayay farsamada gacanta, sida Harqaanka, Cillaan-saarka,
Madasha ay munaasabaddu ka dhacaysay waxa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Inshaanka Jubbaland, gudoomiyaha Haweenka gobalka Jubbada hoose, Gudoomiyaha Haweenka degmada Kismaayo, masuuliyiin ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo wakiilka hay’dda Nabaad.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.