Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasaradda Howlaha guud iyo Guryeynta ee Dowlad gobaleedka Jubblanad ayaa Magaalada Kismaayo ku qabtay tababar ku saabsan xog ururinta galka magaalada ee barnaamijka dowlad kaab.
Tababarkan ayaa lagu baranaya inta uu socdo habka loo sameeyo xog aruurinta sida goobaha caafimaadka, Gancsiga iyo wadooyinka, waxana tababarkan ka qeyb galaya xubno ka tirsan howlwadeennada dowalada Hoose ee magaalada kismaanyo iyo howlwadeeno ka tirsan wasaaradda howlaha guud iyo xubno ka socday Hay’adda dhulka Jubbaland.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.