Tababar ku saabsan xoojinta xogta is gaarsiinta oo lagu soo gaba gabeeyay Hargaysa.

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi-galinta maamulka Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa magaalada Hargeysa tababar ugu soo gaba gabeeyay qaar ka mid ah shaqaalaha qeybta xogta isgaariinta iyo tiknolojiyadda ee wasaaradda warfaafinta.

Tababarkan ayaa lagu baranayay xogta isgaarsiinta ee Tiknolojiyadda gaar ahaan cilmiga Computerka, waxana tababarkan iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta maamulka Somaliland iyo Jaamacadda Golis.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.