Tababar kusaabsan la qabsiga Antibiotics oo laga daah furay Hargeysa.

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)-magaalada hargeysa ee caasimada soomaaliland ayaa laga daah furay tababar ku saabsan la qabsiga Antibiotics-ka oo ay soo qaban qaabiyeen Jaamacada Edna iyo Ururka dawo yaqaanka Somaliland waxaana loo qabtay tababarka qaar kamida shaqaalaha ururka daawo yaqaanka soomaaliland.

munaasabada furitaanka tababarkan oo socon doona mudo 5 cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka soomaliland madaxda jaamacada EDNA aadan iyo marti sharaf kale waxaana ka qeyb galayaasha lagu barayaa habka hubinta dawooyinka iyo ka hortaga la qabsiga Antibiotics-ka oo dhibaato ku haya bulshada soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.