Tababar loo furay ergada dooran doonta xubnaha golaha deegaanka degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta Galmudug ayaa magaalada Xeraale tababar uga furtay ergada dooran doonta xubnaha golaha deegaanka degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Tababarkan ayaa ergadan lagu bari doonaan hanaanka codeynta doorashada golaha deegaanka degmada Xeraale oo dhawaan laga bilaabi doono degmadaasi.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey