Tababar loo soo xiray ciidamo loo diyaariyay sugidda amniga Muqdisho

0
310

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre,  ayaa xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho  tababar ugu soo xiray ciidamo boolis ah oo loogu tallo galay inay door ka qaatan sugidda amniga caasimadda.

Ciidamadan oo tiradooda ay gaareyso  1,400 ciidamo booliis ah  ayaa qeyb  ka ah  3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa  mudda afar bilood ah la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada.

Degmooyinka  uu  ka koobanyahay gobalka Banaadir ayaa lagu wadaa in la geeyo  si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray  kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga.

Sacdiyo Maxamed Maxamuud ayaa warbixintan inoo heysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here