Tababar magaalada Burco loogu soo gaba gabeeyay ganacsato

0
331

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa lagu soo gaba gabeeyay tababar loo qabtay qaar ka mid ah ganaacsatada magaalada iyadoo lagu barayay sida loo horumarin karo ganacsiga islamarkan kor loogu qaadayay aqoontooda la xiriirta ganacsiga.

Tababarkan oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad 40 ganacsto ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay rugta ganacsiga gobolka Togdheer waxana tababarka bixinayay macalimiin ka socotay jaamacadda Golis ee magaalada Burco.

Guddoomiyaha ruga ganacsiga ee gobolka Togdheer Mustafe Sheekh Maxamuud, ku xigeenkiisa Faarax Xirsi iyo xubno kale oo ka qeyb galay munaasabada ayaa hadallo dardaaran ah u jeediyay ganacsatada tababarka loo soo gaba gabeeyay.

Qaar ka mid ah ganacstada ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay inay faa’ido badan ka dhaxleen tababaran.

Warbixin  waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here