Tababar Muqdisho loogu qabtay hanti dhowrka guud ee qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada

0
295

Baladweyne(Radio Beerlula)- Hantidhowrka guud ee qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa  Muqdisho uga furay howlwadeenada xafiiska hanti dhowrka qaranka,kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar ku saabsan xoojjnta iyo tayaynta xirfadooda.

Aqoon isweydaarsigaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay nimaadka casiriga ah oo ay u shaqeeyaan xafiisyada hanti dhowrada caalamka, waxaana ka qeybgalaya howlwadeennada Hanti dhowrka guud ee qaranka, kuwa maamul goboleedyada,gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo qubaro xafiiska hanti dhowrka qaranka Kala shaqeeya dhinaca sharciga.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here