Tababaraha Brighton Oo Ka Hadlay Xaalada Moises Caicedo Iyo Carro Uu Ka Muujiyay

0
186

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababare Roberto De Zerbi ayaa ka baxay aamusnaanta la xiriirta bixitaanka Moises Caicedo kaasoo iska diiday inuu ku biiro Liverpool isagoo ku adkeystay inuu kaliya doonayo Chelsea.

Xiddiga reer Ecuador ayaa waxaa xiiseynaya Liverpool iyo Chelsea iyadoo Reds ay Brighton kula hishiisay lacag rikoodh u noqoneysa horyaalka oo gaareysa 110 milyan ginni.

Si kastaba, Caicedo oo 20 sanno jir ah ayaa iska diiday Liverpool isagoo kaliya doonaya inuu ku biiro Chelsea.

Tababaraha Brighton De Zerbi ayaa u muuqday mid ka carooday isjiid-jiidka uu abuuray Caicedo isagoo tilmaamay inuu gabi ahaanba iska ilaaway ciyaaryahanka oo uu kaliya diirada saarayo kuwa uu kooxda ku heysto.

Intii uu socday shirkiisa jaraa’id, waxa uu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan jawaabtaan bixiyo kaliya hal mar, durba waan iska ilaaway Moises Caicedo.

“Waxaan ku faanayaa ciyaartoyda aan kooxda ku heysto haatan.”

Horaantii maanta tababare Jurge Klopp ayaa xaqiijiyay in hishiis laga gaaray in xiddiga khadka dhexe la keeno Anfield.

Laakiin hishiiska ayaa hakad galay iyadoo la sheegay in Caicedo uu iska diiday kooxda Anfield ka dhisan.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, xiddiga khadka dhexe ayaa kaliya doonaya inuu ku biiro Chelsea.

Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in Blues ay dalab kale ka gudbineyso laacibkaan si ay hishiis u la gaaraan Brighton.