Tababaraha Man City Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Tababaraha Sannadka UEFA

0
152

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku guuleystay abaalmarinta tababaraha sannadka ee UEFA ka dib guushii taariikhiga aheyd ee uu ku hogaamiyay Manchester City.

Guardiola ayaa kooxdiisa City ku hogaamiyay seddexda koob ee ay isku qaadeen ee kala ah Champions League, Premier League iyo FA Cup.

Tababaraha Spain ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda kooxda Manchester City ee u qaada koobka Champions League, isagoo ay ku qaadatay 7 sannadood inuu ugu danbeyn koobka dhega weyne ka soo dejiyo garoonka Etihad Stadium.

Guardiola ayaa awoodi waayay maanta inuu abaalmarintiisa ku gudoomo masraxa xaflada lagu bixinayay abaalmarinta madaama uu ka soo kabsanayo qaliin dhabarka looga sameeyay isagoo ku sugan magaaladiisa Barcelona.

Manchester City oo difaacaneysa koobka Champions League ayaa sidoo kale ku faraxsan inay isku aadka gashay group u sahlan iyagoo ku jira Group G oo ay kula wehliyaan kooxaha RB Leipzig, Red Star Belgrade iyo Young Boys.

Dhanka kale tababaraha ugu fiican sannadka UEFA ee dumarka waxaa ku guuleysatay hawaaneyda tababaraha u ah xulka Ingariiska ee laga qaaday Koobkii Adduunka ee dhawaan ka dhacay New Zealand iyo Australia.