Tababare Jurgen Klopp oo xaqiijiyey in Diogo Jota uu seegi doono Koobka Adduunka ee Qatar

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)-Macallinka Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa maanta xaqiijiyey in ciyaaryahankiisa Diogo Jota uu seegi doono Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabanayo dalka Qatar.

Diogo Jota ayaa dhaawac daran uu ka soo gaaray kulankii kooxdiisa Liverpool ay garaacday Axaddii Man City ee ku tirsanaa horyaalka English Premier League.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa dhaawac looga saaray kulankaas Jota kaddib markii uu kari waayey inuu kulanka sii wato.

Isagoo la hadlayey warbaahinta ka hor kulanka ay habeen dambe la leeyihiin West Ham Macallin Klopp ayaa xaqiijiyey in dhaawaca Jota uu yahay mid halis badan isla markaana uu seegi doono Koobka Adduunka ee bisha dambe ka bilaaban doona dalka Qatar.

“War fiican ma’ahan dhab ahaantii, Diogo Jota waxa uu seegi doonaa Koobka Adduunka, waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, waana war u xun Liverpool iyo Portugal” ayuu yiri Macallinka reer Jarmal ee Klopp.

Image