Tababare Ka Tirsan Bundesliga Oo Iska Diiday Shaqada Manchester United.

0
15

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Stuttgart Sebastian Hoeness ayaa diiday dalab uga yimid Manchester United ka dib wadahadalo lagu bedelayo Erik ten Hag.

Sida laga soo xigtay wararka ka imaanaya Jarmalka, Hoeness ayaa diiday soo-jeedin uga timid Manchester United xagaagii, iyadoo madaxda kooxda ay qiimeyn ku sameeyeen booska Erik ten Hag ee Old Trafford.

United ayaa la fahamsan yahay inay la xiriirtay macallin Thomas Tuchel ka hor inta aan go’aanka laga gaarin in la sii hayo Ten Hag oo heshiis cusub loo soo bandhigay.

Sida ay ku warantay Bild, Hoeness ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa United waxaana kooxda Ingiriiska ah ay xiriir la sameeyeen 42-jirkaan bishii July isagoo ka fiirsanayay inuu ku biiro Premier League.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Hoeness uu si edboon u diiday dalabka United maadaama uu doonayo inuu sii joogo Stuttgart si uu uga sii ambaqaado qaab ciyaareedkii wacnaa ee xilli ciyaareedkii hore.

Stuttgart ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta labaad ee Bundesliga iyagoo ka danbeeyay  Bayer Leverkusen taas oo u suurtagelisay inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedkan.

Hoeness ayaa sidoo kale saxiixay kordhin heshiis oo uu la galay Stuttgart ka hor dalabka United, kaas oo kusii haynaya kooxda Bundesliga ilaa 2027.

Dhanka kale, Ten Hag ayaa cadaadis kale kala kulmaya United kaddib xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa ee Premier League ka dib toddobo kulan oo ay ciyaartay.

Madaxda United ayaa kulan ku yeeshay London toddobaadkii hore si ay uga hadlaan booska Ten Hag, laakiin booska tababaraha Dutch-ka ah ayaa weli la hubin halka uu ku dambeynayo inkastoo kooxdu ay la kulantay natiijooyin daciif ah.

United ayaa dib ugu soo laaban doonta tartanka Premier League Sabtida marka ay Old Trafford ku martigeliso Brentford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here