Tababare Kale Oo Aan Cidina Filayn Oo Tartanka Shaqada Chelsea Soo Galay

0
116

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Chelsea ayay warar cusubi sheegayaan inay ka fikirayso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo tababaraheedii hore ee Antonio Conte oo dhawaan ka tagay kooxda ay magaalo wadaaga yihiin ee Tottenham.

Mulkiile Todd Boehly iyo boodhk Chelsea ayaa raadinaya tababarihii saddexaad ee kooxdooda maamula mudada gaaban ee ay joogeen kaddib markii ay caydhiyeen Graham Potter oo 31 kulan oo liita kooxda hoggaamiyay.

Waxa soo baxay warka sheegaya in halyeeyga Blues ee Frank Lampard oo hore kooxda looga caydhiyay January 2021 uu la wareegayo maamulkeeda tababarenimo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Raadinta tababare rasmi ah ayay wali Chelsea sii wado doontaa xataa kaddib Lampard, wargeyska The Independent ayaa sheegaya in Antonio Conte kamid yahay liiska tartamayaasha.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Chelsea xidhiidh la samaysay wakiiladiisa iyagoo tababaraha Talyaaniga ah u arka guuleyste meel kasoo saari kara ciyaartoyda ay haystaan.

53 sano jirkaas ayaa Premier League kula soo guuleystay Chelsea xilli ciyaareedkiisii koowaad isagoo kubadda cagta England ku gilgilay shax ciyaareedka 3-4-3 oo aan wakhtigiisii kahor sida haatan caan uga dhex ahayn garoomada dalkaas.

Xilli ciyaareedkiisii labaad ayay isku dhacen qaar kamida xiddigaha kooxda iyo maamulkeedaba isagoo ku khilaafay dhinaca suuqa, ugu damayn way kala tageen walow uu FA Cup kula guuleystay.

Conte waxa booska Blues uga horreeya tababarayaasha kala ah Luis Enrique iyo Julian Nagelsmann oo wadahadalo la yeeshay maamulka kooxda.