Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabelle Mudane Abdi Dahir Guure Karoore ayaa Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka furay Tababar ku saabsan Xalinta khilaafaadka ee bulshada dhaxdooda ah.
Waxaa ka qeybgalay tababarka ,maamulka degmada jalalaqsi,dhalinyarada Haween iyo odayaal.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.


