Tahribeyaal lagu la’yahay loona maleynayo in ay ku dhinteen xeebaha Liibiya.

0
187

Baladweyne ( Radio Beerlula )- Ugu yaraan 73 tahriibeyaal ah ayaa lagu la’ yahay lana filayaa in ay dhinteen ka dib markii doonni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Liibiya , sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee isu socodka Adduuna ee IOM
Wararka ayaa sheegaya in toddoba qof ay ka badbaadeen burburkii doonta.

Ilaa haatan 11 meydad ah ayaa laga soo saaray oo ay heleen boliiska iyo bisha Cas ee liibiya .

Doonta ayaa ku sii jeeday waxa ay IOM ugu yeertay goobaha ugu dhimashada badan ee la isaga gudbo dhinca badda

In ka badan 130 qof ayaa sanadkii hore ku dhimatay halkaasi iyagoo ku jira safarada qatarta ah ee badda Mediterranean-ka .

IOM ayaa intaasi ku dartay in in ka badan 1, 450 dhimasho ah la diiwaangaliyey sanadkii horeayna arrintani tahay mid aad u culus.