Tahriibayaal khayaano cusub ku gali lahaa UK oo la qabtay

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 15 ruux oo uu ku jiro Ilmo yar islamarkana u dhashay dalka Eritrea ayaa la qabtay xili ay doonayeen inay galan dalka UK iyagoo ka yimid dalka Faransiiska.

Dadkan ayaa lagu soo dhax qariyay gaari xamuul ah oo sida khudaar barafeysan sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska we AFP.

Qabowga gaarigan khudarta siday ayaa khatar galiyay nolosha
Dadkan Eriteriyaanka ah.

Wakaalada wararka AFP ayaa sheegtay in xirfadlayaal caafimaad oo Faransiis ah ay gargaar caafimaad u fidiyeen dadka sharci darada ah ee la ildaran qabowga daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here