Tahriibayaal ku dhintay marrinka badda ee isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska.

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Lix qof ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku degtay marrinka badda ee iski xira Faransiiska iyo Ingiriiska.

Afhayeen u hadashay maamulka xeebaha Faransiiska Premar ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa shan ilaa 10 kale la la’yahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Ilaalada xeebaha ee Britain iyo Faransiiska ayaa doonta ka soo badbaadiyay ku dhawaad 50 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Tiro dad ah ayaa la arkayay oo laga soo dajiyay doon badbaado oo kusoo xiratay dekadda magaalada Ingiriiska ee Dover, balse ma cadda inta uu la egyahay dhaawaca iyo tirada saxda ah ee guud ahaan dhimashada.

Kanaalka Ingriiska waa mid ka mid ah marinnada ugu khatarta badan uguna mashquulka badan caalamka, waxaana maalin walba mara 600 oo booyadood iyo 200 oo doomood.