Tahriibe loo ganaaxay inuu taliyaaniga nadiifiyaan oo la cafiyay

0
291

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gole deegaan oo ka howlgala Waqooyiga Taliyaaniga ayaa joojiyay ganaax la saaray tahriibe u dhashay Nigeria kaas oo jidadka xaaqi jiray fasax la’aan.

Ninka oo 29 sano jir ah, oo shaqo la’aan ah, waxaa lagu magacaabaa Monday, wuxuu go’aansaday in uu nadiifiyo jidadka deegaanka Mestre ee Venice, halkii uu lacag ka tuugsan lahaa dadka.

Waxaa lagu ganaaxay in uu bixiyo $383 dollar. Balse dibadbaxyo ayaa sababay in maamulka ay ganaaxaas dib uga noqdaan.

Sidoo kale, waxaa la billaabay olole dhanka internet-ka ah oo dadka ay isaga aruuriyeen lacagtaas lagu ganaaxay, si ay uga bixiyaan.

“Waxaan jeclahay in nafsad ahaanteyda aan idiinku dhex noolaado anigoo lacag aan idiinka tuugsan,” ayuu ku qoray sabuurad uu sito oo uu dhigo meelaha uu xaaqayo.

“Waxaan nadiifinayaan jidadkiina, waxaanna idiin waydiisanayaan lacagta shaqada aan qabtay oo keli ah”.

Farriin Facebook-ga uu dhigay Matteo D’Angelo – oo ah qofka billaabay codsiga internet-ka – wuxuu sheegay in tahriibahan uu nadiifiyo jidadka markasta oo roob uu da’o. Wuxuu xaaqaa waxa ka hara sigaarka iyo qashin kasta oo aan ku tuurno jidadka, inagoo ah dadka horumaray.

“Waa nagu ceeb, waa miskiin isku deyaya in uu nagu dhex noolaado,” ayuu ku siidaray farriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here