Talaalka caruurta shanta sano ka yar oo laga daah furay Muqdisho.

0
87

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka Talaalka caruurta ka yar shanta sano, kaasi oo lagaga hortagaayo cudurada faafa.

 

Daahfurka Barnaamijkaan oo lagu qabtay Xarunta Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Adeega Caafimaadka Bulshada oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan kumanaan caruur oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Warbixintaan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen