Taliban oo malaayiin tan oo shidaal ah kasoo iibsaneysa Ruushka.

0
111

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Taliban ee dalka Afghanistan ayaa sheegay inay Taliban iyo Ruushka ay kala saxiixdeen heshiis hor dhac ah oo Afghanistan malaayiin tan oo shidaal iyo qamadi ah uga soo iibsaneyso Ruushka.

Wasiirka kumeel gaarka ah ee arrimaha ganacsiga iyo warshadaha Afghanistan Haji Nooruddin Azizi ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay maamulka Taliban siisay fursado qiimo dhimis ah si Ruushka uu uga iibiyo shidaalka, gaaska iyo qamadiga.

Heshiiskan dowladda Taliban ay sheegtay inay la gashay Ruushka ayaa noqona kii ugu horeeyay ee Taliban la gasho mid ka mid ah dowladaha caalamka iyadoo ilaa hadda aysan jirin dowlad aqoonsatay Taliban.

Ruushka ayaa kamid ah dalalka fara ku tiriska ah ee safaaradda ku leh Kabul.