Taliyaha guud ee booliska Kenya oo is casilay.

0
89

Baladwayne ( Radio Beerlula )- Taliyaha guud ee booliska Kenya Japhet Koome ayaa iscasilay kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo todobaadyo socday oo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliiska in ay toogtaan tobanaan dibad baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn u xireen.

Bartamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha. Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka wax yar ka dib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay.

Talaabada uu madaxweyne William Ruto qaaday ayaa ku guuldareystay inay damiso mudaaharaadyada.

Waxa uu khamiistii shaqada ka eryay in badan oo ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaanu ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono xukuumad ‘ballaaran’.