Taliyihii sirdoonka booliiska Koonfur Afrika oo xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq

0
187

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxii danbi baadhista ee Koonfur Afrika Dumisani Khumalo ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana uu ka soo muuqday maxkamad isagoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Jeneraal Khumalo ayaa la soo qaaday fiidnimadii Khamiista ka dib markii isaga oo kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Johannesburg ayku qabteen xubno ka tirsan la dagaalanka musuqmaasuqa, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Waxa uu Jimcihii ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Pretoria, isaga iyo lix eedaysane oo dhammaantood ahaa saraakiil sare oo ka tirsan booliiska.
Qareenka u doodaya ayaa sheegay in ayna damacsanaayeen in ay qirtaan wax dambi ah
Faahfaahinta eedeymaha ma cadda weli balse warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in Jeneraal Khumalo iyo lixda qof ee kale lala xidhiidhiyay baaritaan socda oo ku saabsan ku takri falka lacagaha sirdoonka iyo magacaabisyo sharci darro oo gudaha Adeegga Booliska Koonfur Afrika (SAPS) ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here