Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tallaalka HIV waxaa la ogolaaday in lasiiyo bukaanada ku sugan England iyo Wales markii ugu horeysay.
Cirbadda la siinayo bukaanad lix jeer sannadkii ama bishii, ayaa beddel u noqoneysa qaadashada kaniiniyada maalinlaha ah si looga hortago fayraska.
Khubarada ayaa rajaynaya in cirbadda cabotegravir (CAB-LA) ay gacan ka gaysan doonto in la gaaro yoolka ah in la ciribtiro kiisaska cusub ee cudurka HIV sanadka 2030 gudaha UK.
Dhanka kale, natiijooyinka hordhaca ah ee la arkayo marka laqaato cirbadda loo yaqaan lenacapavir waxay soo jeedinayaan inay xitaa suurtagal tahay in hal tallaal uun ku filnaan karo qofka sanadkii.


