Tallaalka Malaariyada oo laga bilaabay dalka ugu daran dunida uu saameeyay xannuunkan

0
50

Baledweyne  ( Radio Beerlula )-Tallaalkan R21/Matrix M, oo ah tallaalka labaad ee ay ansixiso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, islamarkana la siinayo carruurta da’adoodu u dhaxeyso 5 bilood ilaa 15 bilood ayaa laga bilaabay dalka Nigeria.

Baarayaasha ayaa sheegay, in tallaalka uu boqolkiiba 75 shaqeynayo, balse khubarada caafimaadka ayaa soo jeediyay, in lala barbar istcmaalo waxyaabaha kale ee looga hor tago malaariyada, sida mara kaneecada iyo sunta cayayaanka lagu dilo.

Tallaalka ayaa laga billaabay laba gobol oo dhibaato weyn uu ku hayyo xannunka duumada ama malaariyada, kuwaas oo kala ah Bayelsa iyo Kebbi, wuxuuna qorshuhu yahay in la sii ballaariyo, oo la gaarsiio qeybaha kale ee dalka wixi loo gaaro sanadka soo socdo.

Happiness Idia, oo ah canug 11 bilood jira ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee la siiyay tallaalka.

Sarkaalka caafimaadka ee gobolka Bayelsa, Prof Seiyefa Brisibe, ayaa sheegay in gobolka lagu qaban doono olole caafimaad oo sare loogu qaadayo, heerka qaadashada tallaalka, kaas oo lagu jeedin doono luuqado dhowr ah.

Sanadkii 2022-kii, kiisaska malaariyada ee dalka Nigeria ayaa gaaray boqoliiba 27 halka boqolkiiba 31 ay u dhinteen xanuunkan, sida laga soo xigtay WHO, kiisaskaas oo ay u badnaayeen dadka nugul sida haween xaamilo ah iyo carruur ka yar shan sano jir.

Kiisaska dhimashada guud ahaan Africa ayaa ahaa boqolkiiba 95, oo ah 580,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here