Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa shaacisay in muhaajiriinta gaaraya 49 ruux dib u dajin loogu sameeyay xarumo muran badan dhaliyay oo ku yaalla dalka Albania kuwaasoo laga soo qaaday dalka Talyaaniga.
“Kaddib markii baaritaan lagu sameeyay xaaladaha dadka la soo qabtay, 49 muwaadin oo ajaanib ah ayaa lagu daabulay doonida Cassiopea, waxaana loo gudbiyay xarumaha ku yaalla Albania. Halkaas waxaa ka bilaaban doona habraacyada soo dhaweynta, xabsi ku haynta, iyo qiimeynta kiisaska shaqsiyaadka,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in 53 kale oo muhaajiriin ah ay soo bandhigeen baasaboorradooda, arrintaas oo dedejin doonta habsocodka kiisaskooda, isla markaana kordhin doonta suurtogalnimada in la masaafuriyo “kuwa aan xaqa u lahayn inay sii joogaan Midowga Yurub.”
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa heshiis la saxiixatay dhiggeeda Albania, Edi Rama, bishii November 2023-kii. Heshiiskaas ayaa dhigayay in laba xarumood oo Talyaanigu maamulo laga furo dalka Albania, kuwaas oo lagu deijin doono qaar ka mid ah muhaajiriinta ay mas’uuliyiinta Talyaanigu ka soo badbaadiyaan Badda Mediterranean-ka.


