Talyaaniga oo ka dalbanaya dadka muhaajiriinta ah inay lacag bixiyaan

0
48

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dowladda Talyaaniga ayaa dadka soo galootiga ah uga ka dalbanaysa in ay bixiyaan ku dhawaad 5 kun oo Yuuro si aan loogu xirin xarumaha xudduudaha inta la qiimeynayo codsigooda magangalyo.

Sida ku cad wareegtada wasaaradda arrimaha gudaha, dadka soo galootiga ah ee magangelyada ka doonaya Talyaaniga waxay awood u yeelan doonaan inay xoroobaan oo ay sugaan natiijada codsigooda haddii ay bixiyaan 4938 euro.

Lacag-bixintan, oo loo yaqaan ‘dammaanad lacageed’, ayaa laga codsan doonaa kuwa ka imanaya waddamada uu Talyaanigu u aqoonsan yahay kuwo ‘ammaan ah’. Dadka ka yimid wadamadan waxay u badan tahay in la diido codsiyadooda magangalyada.

Codsiyada kuwa lacagta bixiya waxaa lagu qiimeyn doonaa muddo ugu badnaan 28 maalmood ah, mana looga baahan doono in ay muddadaas ku qaataan xarumaha xuduudaha halkaas oo xaalado la mid ah xabsiyada ay ka jiraan.