Talyaaniga Oo Maaliyada No.88 Ka Mamnuucay Horyaalka Serie A Iyo Sababta

0
82

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ciyaartoyda Kubadda Cagta Talyaaniga waa laga mamnuucay inay xirtaan funaanadda No.88 waana tan sababta.

Seri A ayaa ciyaartoyda ka joojisay maaliyada No.88 bilawgii xilli ciyaareedkab 2023/24 taasoo qayb ka ah ololaha lagula dagaalamayo Yuhuud nacaybka.

Waa qayb ka mid ah ku dhawaaqida lagula dagaalamayo naceybka yahuuda ee Talyaaniga oo dhan, iyadoo lambarkaas ay isticmaaleen dadka taageersan Naziyiinta iyagoo astaan uga dhigta Hitler.

‘H’ waa xarafka sideedaad ee alifbeetada waxayna calaamad u tahay salaanta ‘Heil Hitler’.

Xilli ciyaareedkii 2022/23, xiddiga Lazio Toma Basic iyo laacibka Atalanta Mario Pasalic ayaa soo xirtay maaliyada No.88 ee horyaalka Italy.

Ka dib markii la sameeyay isbadalka sharciga ee Seria A, Basic waxaa loo gacan galiyay maaliyada No.26 halka Pasalic uu haatan xirto maaliyada No.8.

Go’aanka lagu mamnuucay funaanadda No.88 ayaa la xaqiijiyay bishii Juun, iyadoo madaxweynaha xiriirka kubada cagta Talyaaniga Gabriele Gravina uu ku dhawaaqay inay qeyb ka noqonayaan ololaha ay Talyaaniga uga soo horjeedaan yahuud nacaybka.