Baladwayne (Radio Beerlula )-Dowladda Talyaaniga ayaa shaacisay heshiis cusub oo ay la gashay dalka Albania kaas oo ah in ay ka dhisi doonto laba xaruun oo lagu hayo dadka soo galootiga ah ee isku dayaya inay gaaraan xeebaha Talayaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaniga Georgia Meloni ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid lagu xakameynayo tirada muhaajiriinta magangalyo-doonka ah, kuwaas oo ku dhawaad laba jibaarmay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay.
Heshiiska oo lagu dhawaaqay maalintii Isniintii ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu wado waddan ka tirsan Midowga Yurub isla markaana uu muhaajiriin ugu dirayo dal kale.
Georgia Meloni ra’iisul wasaaraha waxaa ay tilmaantay in xarumahan la furi doono sanadka soo socda ee 2024-ka waxaana xaruun kasta ay qaadi doontaa 3,000 oo qof marka si buuxda ay u shaqeeyaan.