Tareen jiiray gaari xamuul ah oo ku xayirmay wado tareen oo ku taalla Mareykank.

0
157

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tareen ayaa ku dhacay gaari xamuul ah kaas oo ku xanibnaa isgoyska tareen ee North Carolina ee dalka Mareykanka.
Darawalkii gaariga waday ayaa baabuurka kabaxay kahor inta usan Tareenka ku dhicin, lamana soo sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray.

Isgoyska shilka uu ka shacay ayaa muhiim u ahaa isu socodka gaadiidlka waxaana muuqalo laga soo duubay ay muujinayaan gaadiid badan oo ku xayiran wadada.

Dadaallo lagu furayo wadada ayeey wadaa dowladda waxaana gaadiidleeyda lagu wargeliyay ineey isticmaalaan wadooyinka kale si aanay u badan saxmadda is gooyskan.