Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda dhalinyaradda Ciyaaraha Hirshabeelle ayaa magaalada Baladweyne ka daah furtay tartan kubadda cagta oo ay ka qeyb galayaan dhalinyarada cuslatay ee afarta xaafadood ee magaaalada.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle Yusuf Cabdi Faarax, Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle Cabdirisaaq Maxamed Cabdullahi, guddomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Daahiye, guddomiyaha ururka kubadda cagta degmada Baladweyne Ismaaciil Cali Xassan iyo bahda isboortiga ayaa goob joog ka ahaa furitaanka tartankan.
Warbixintan waxaa noo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.