Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle ayaa Magaalada Baladweyne ku soo gaba gabeysay tartankii bisha barakeysan ee Ramadaan oo finalka ay iskugu soo hareen kooxaha VIP iyo Fiiltare, waxana Rigoorayaal koobka ku qaaday kooxda kubadda cagta Fiiltare.
Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin, guddoomiyaha hay’adda barakacayasha iyo qaxootiga Hirshabeelle Farxaan Cumar Carte, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, milatariga iyo Hogaanka kubadda cagta heer gobol iyo degmo ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda koobka iyo abaalmarinada lagu bixinayay.
Audio Player