Tartan kubadda cagta ah oo loo furay macalimiinta goobaha waxbarashada Baladweyne

0
255

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Garoonka kubada cagta Buula-Xaableey ayaa galabta laga daahfuray tartan kubadda cagta ah oo ay ka qeybgalayaan 10 kooxood oo matalaya Macallimiinta goobaha waxbarashada ee ku yaalo Magaalada Baladweyne iyadoo daahfurka tartankan ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle, Gudoomiyaha Kubada cagta Degmada Baladweyne Cusmaaciil Cali Xassn Sidaani, Xogyaha Kubada Cagta Gobalka Hiiraan Hassan Huseein yaxye , Macallinka xulka kubadda cagta Degmada Baladweyne Cabdifitaax Maxamed Cusmaan Jarjar, Macallimiin iyo Dhallinyaro.

Tartankaan ayaa lagu daahfurayey Macallimiinta Iskuulada Hiiraan Integrated iyo Rowdatul Iimaan waxaa ayna guusha raacday Macallimiinta Dugsiga Hiiraan oo ku badiyay gool kulaadyo sadax iyo laba ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdullaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here