Tartanka Gooldhalinta Premier League Oo Xiiso Yeeshay Ka Dib Afar Kulan Oo La Ciyaaray

0
73

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ayaa la ciyaaray afar kulan ilaa iyo haatan, waxaana durbaba bilowday tartanka loogu jiray kabta dahabka ee horyaalka.

Erling Haaland ayaa rikoodh aan horay loo arag ku qaaday kabta dahabka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dib markii uu dhaliyay 36 gool.

Haatan oo uu dheelay afar kulan xilli ciyaareedka cusub, waxa uu ku hogaaminayaa tartanka gooldhalinta lix gool iyadoo ay u danbeysay seddexleydii uu dhaliyay todobaadkii la soo dhaafay kulankii ay xasuuqeen Fulham.

Xiddiga Manchester City waxaa soo ciriirinaya 18 jirka kooxda Brighton Evan Ferguson oo leh afar gool isagoo seddexleey ka dhaliyay kulankiisii ugu danbeysay kooxda Newcastle. Waxaa isna leh afar gool xiddiga Brentford Bryan Bmeumo.

Shan xiddig ayaa min seddex gool wada leh oo ay ka mid yihiin xiddiga Nottingham Forest Taiwo Awoniyi oo shabaqa soo taabtay seddexdii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka halka caawin uu sameeyay kulankii afaraad oo ay ka badiyeen Chelsea.

Sidoo kale Son Heung-min ayaa isna leh seddex gool ka dib seddexleydii uu todobaadkii hore u dhaliyay kooxda Tottenham, waxaa iyagana tartanka ku jira xiddiga West Ham Jarrod Bowen, xiddiga Brighton March iyo laacibka Crystal Palace Odsonne Edouard.

Tartanka Kabta Dahabka Premier League:

6 gool – Eling Haaland (Man City)

4 gool – Evan Ferguson (Brighton)

4 gool – Bryan Bmeumo (Brentford)

3 gool – Taiwo Awoniyi (Nottingham Forest)

3 gool – Jarrod Bowen (West Ham)

3 gool – Solly March (Brighton)

3 gool – Odsonne Edouard (Crystal Palace)

3 gool – Son Heung-min (Tottenham)