Tartanka Qur,aanka kariimka o lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

0
98

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad lagu abaal marinayay ardayda kaalmaha hore ka galay tartanka qur’aan aqriska 30-ka Jus waxaana tartanka soo qaban qaabiyay Jimciyadda Qur’aanul kariim iyada oo ay taaba galineysay hay’adda Hormuud Salaam foundation.

Tartanka Qur’aan aqriska ayaa loo qabtay 178 ardayd oo wax kabarta dugsiyada kuyaalla magaalada Muqdisho waxaana kaalmaha hore galay 47 arday.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi.