Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa ku dhawaaqday inay xilka ka dageyso.
Waxay sheegtay inay qabatay intii karaankeeda si ay u dhameystirto in Britian ay ka baxdo Midwoga Yurub, balse ay awoodi weysay.
Ra’iisul wasaaraha UK, dib u dhacyo badan ayey kala kulantay xubno ka tirsan Xisbigeeda oo ku jira baarlamaanka, waxay ka horyimaadeen qorshaheedii u dambeeyay ka bixista Midowga Yurub. Qorshahaas waxa loogu talogalay in uu soo jiito xisbiyada oo dhan.
Theresa May waxay sheegtay inay ka dageyso hoggaanka xisbigeeda talada haya 7-da bisha June, balse ay sii ahaan doonto Ra’iisul Wasaare ilaa inta la dooranayo hoggaamiye cusub.
Billo ayaa laysla dhexmarayay cidda beddeli karta Theresa May ee noqon karta hoggaamiyaha xisbiga Conservative.